Hubsadnews.com
Alle Ha Unaxariistee Marxuum Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa ku geeryooday Dalka Saudi Arabia
March 19, 2020 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Hargaisa{Hubsadnews.com} inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun , geeri naxdin leh, waxaa maanta {19.3.2020} ku geeriyooday magaalada Damaam ee dalka sacuudi arabiya Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo sanadihii danbe deganaa halkaasi oo uu shaqo ka hayay . Waxaa geerida ii cadeeyay goor dhoweyd Khadar Cali half oo degan halkaasi iyo cabdijabar Dubad oo dubai degan .Khadar Cali Half wuxuu ii sheegay in uu u geeriyooday Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal xanuun wadnaha kaga soo booday oo dabadeed uu qalliin ku geeriyooday.Waxaan tacsi gaar ah u dirayaa xaaskiisa iyo guud ahaan qoyska reer Maxamed Xaaji Ibraahim cigaal . Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa aqoonyahan dhinaca dhaqaalaha shahaadooyin sare ku haystay , cilmi-baadhe iyo qoraa .ilaahay janadii fardowsa ha ka waraabiyo ,inagana samir iyo iimaan …Aamiin.Xigasho Axmed siciid cige

COMMENTS
Latest News