Hubsadnews.com
Amar Maayarka Gabiley Bixiyey Waxaa Maalintii Saddexaad u Xidhan Wakiil Wareedkii Tvga Eryal Gabiley Wariye Siciid Nuux Kibaar
December 10, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Hargeysa ( Hubsadnews):  Waxaa Maalintii Saddexaad Saldhiga Dhexe ku Xidhan Saxafi Siciid Nuux Kibaar Wakiil Wareedkii Telefishanka Eryaltv Gabiley,

 

Waxaanu ku Xidhan yahay Amar Maayarku bixiyey.Xilli ay Isaga Wariyaha iyo Xidhibaan C/casiis Xafiiska kula sugnaayeen Maayar Maxamed Amiin Cumar Cabdi(MA.Cumar Dheere).Oo ay Cabasho ula Tageen Gudoomiyaha. Iyaga oo Cabasho ka qabay Dirawalka Maayarka Bashiir Iyo Askari ka Tirsan Dawlada Hoose Oo Magaciisu yahay Jookha oo Maalinnimadii Jimcihii Seesayey Meel ay Mulkiyadeeda Ay Sheeganayaa Reerka Saxafiga ee Sahal Cumar. Waa Sida uu Wariyaha Xidhani Vedeo live uu Facebook-kiisa Soo dhigay ku Sheegaye.Halka ay Dirawalka iyo Askariguna Ku doodayaan in dhulkaasi yahay Dhul Dawlada Hoose Leedahay.

Wuxuu Wariyaha Saddexda Cisho Amarka Maayarka u xidhani Waa Siciide ku Yidhi” Waxaan Jecelahay in Qofka Runta laga Sheego,Waxaa Saaka Oo Jimco ah sida Caadiga ahna Ay Shaqada Dawladu Fasax Tahay Dhul boob Noogu Yimi Qaar ka Mida Shaqaalaha Dawlada Hoose Oo inay Seestaan ku bilaabay Dhulkayagii, haddaba Si aan Arrintaa uga Gun Gaadhno Waxaan anniga iyo Xildhibaan C/casiis u tagnay Maayarka Magaalada Waxaanan Waydiiney Ma adigaa Amarka Bixiyey iyo Haa, Markaa Waxaan Qudha Ku idhi Miyaad Beerihiina Geysid,Iyo Xidha intaa baan ku Xidhanahay”Wariye Siciid Madoobe. Halka Mar uu Maanta Meel aan Fadhinay Nagu Soo Booqday Dirawalka Maayarku Bashiir uu Isaguna Mar asxaabtu Wax ka Waydiisay Uu Yidhi”Waar Dhulkaasi Waa Dhulkii Dawlada “Bashiir Ayaa Sidaas ku Gaabsadey. Mar Danbe Waxaa Soo baxdey in Wariyuhu Saldhiga ku Dhex dagaalamay Diintana Caayey.Uuna Hadda ku Xidhan yahay Kiiskaa Diin Cayga Oo uu Markhaati ka yahay Askari Booliis ah Oo Uu Dhaawac Fududna Gaadhsiiyey.

Waxaa Arrintaa Nala Wadaagey Qaar Booliiska ka Tirsan Oo Maanta Anagoo Wada Mareyna Aan Wax ka Waydiiney Xadhiga Wariyaha. Halka Sida la Sheegayo ee Bulshadu isla Dhex Maraysana Uu Wariyuhu Sheegtay in Saldhiga Dhexdiisa Lagu Jidh Dilay Oo Si Xun Loola Dhaqmay, Kiiskan Diin Caygana aanay Waxba ka Jirin ee uu Yahay mid Lagu Raad Gadanayo oo kiis baabiin ah. Haddaba Waxaan Ilaa hadda Jirin Saxaafadda Gobolka Gabiley iyo Saxafi Madaxbanaan Oo Arrintan baadhis ku Sameeyay ama U Hadlay/Ka hadley Xadhiga Saxafi Siciid Nuux Kibaar Wakiil Wareedkii Tvga Eryaltv oo uu Mudooyinkii ugu Danbeeyay Hakad kaga Jiray Hawl Maalmeedka Tvga Eryal. Waxaan ugu Baaqayaa in Ururka Saxaafadda Somaliland ee Solja ay ka hadlaan Xadhigan Wariye Siciid Madoobe. Waxa kale Oo aan Saxaafadda Gobolkana u Soo Jeedinayaa inay Baadhis Madaxbanaan Ka Sameeyaan Sax Iyo Qalad Waxa uu Saxafigan ka Tirsan Ku Xidhan yahay, Gaar ahaan Waxay Farriintaydani Si Toosa Ugu Socotaa Gudoomiyaha Saxaafadda Gobolka Gabiley Cilmi Maxamed Jaamac. Waxaa kale Oo iyaduna Muhiima Sida ay u arkaan inay ka hadlaa Telefishanka Eryal ee Uu Wakiil Wareedka u Ahaa Saxafigan. #Naasir #Meecaad.

 

 

 

COMMENTS
Latest News