Hubsadnews.com
Britain waa in ay u diyaar garowdaa inay dagaalada gasho, iyada oo aysan la jirin oo aan isku haleynayn dalka ay xulufada yihiin ee Mareykanka
January 12, 2020 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Britain waa in ay u diyaar garowdaa inay dagaalada gasho, iyada oo aysan la jirin oo aan isku haleynayn dalka ay xulufada yihiin ee Mareykanka, waxaa sidaasi ka digay xoghayaha gaashaan dhiga ee Britain.

Ben Wallace ayaa sheegay in mamaulka uu hogaamiyo Trump oo dib uga joogsanaya doorkooda caalamiga ah ee dhanka hogaanka”ay isaga hurdada ka toosisay”.

Waxaa uu intaa ku daray in arrintani ay ku qasbayso UK in ay dib uga fikirto arrimaheeda gaashaandhiga iyo ammaanka.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli ay UK isu diyaarinayso inay fuliso “isbadalkii ugu qotada dheeraa ” ee siyaasadaha dhanka gaashaandhiga iyo ammaanka ee ak sameeyo tan iyo intii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee dunida.

“Waxaan ka walaacsanahay haddii ay Mareykanka la noqdaan hogaankooda ku wajahan arrimaha caalamka,” Mr Wallace ayaa sidaasi u sheegay wargayska Sunday Times.

“Arrintaasi waxay noqon doontaa mid aan caalamka u wanaagsanayn anagana aan noo wanaagsanayn, ayuu intaa ku daray.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa xusay in loo baahan yahay in Britain ay arrintan qorsho ka yeelato.

Ben Wallace ayaa xusay in dib u eegista lagu sameynayo arrimaha gaashaandhiga ay noqon doonaan kuwa ku saleysan in UK aysan ku tiirsanaan Mareykanka marka ay timaado dhanka dagaalada mustaqbalka.

COMMENTS
Latest News