Hubsadnews.com
DAAWO: Gurigii Madaxweyne Trump Oo Dab Ka Kacay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
April 8, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

New York (Hubsadnews):- Dhismaha dheer ee Madaxweynaha Mareykanka uu ku leeyahay magaalada New York ee loo yaqaano Trump Tower ayaa dab ka kacay

waxaana lasheegayaa in dabkaasi Hal ruux uu ku geeriyooday hallka afar kale oo iyagu ahaa dab damdamisalayaan oo isku dayeyy  in aay bakhtiyaan dambkaasi way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha dab damiska ee dalkaasi,

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhismahan waxa uu u ahaa  hoy iyo xafiis, hase ahaatee waxaa uu haatan ku sugan yahay magaalada Washington.

Dabka ayaa ka kacay dabaqa 50aad ee ugu sareeya, dhismahaasi waxaana uu qabsaday guryo iyo xafiisyo.kale

Lama oga illaa iyo hada waxa sababay dabkan, waxaase warbaahinta Mareykanka iyo kuwa baraha bulshada ay aad u hadal hayaan dabkan ka kacay guriga madaxweynaha,

COMMENTS
Latest News