Hubsadnews.com
DAAWO: odoy’yaasha tuulada Lafa-Ruug oo cabasho xoogan ka muujiyey maamulka degmada mandheera oo bilaabey in uu dhulkii danta guud ahaa xaraasho
April 13, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Lafo-ruug(Hubsadnews): odoy’yaasha tuulada Lafa-Ruug oo warbaahinta la hadlay ayaa cabasho xoogan ka muujiyey maamulka degmada mandheera oo aay sheegen in uu bixiyeen dhulkii danta guud ahaa ee daaqqismeedka u ahaa tuulada lafo-ruug waxayana odoyaashu baaq dhinacayo badan taabanayey ay udireen madaxweynaha somaliland iyagoona usheegay in uu si degdega uga qabto maamulka degmada madheera oo ay ku tilaamen in uu yahay shaqsi hada gundiga usoo xidhay in uu boobo dhulkii danta guud ee shacabka ka dhaxeeyey isagoona raba in uu ku fushado dan gaar ah oo uu isagu leeyahay

odoyaasha oo hadalkooda siiwata ayaa si kulul usheegay hadii si degdega waxa looga qaban waayo ninkaa tuulada lafo-ruug uyimid in uu dhulka shacabka ka dhaxeeyay qaato in ay iyagu gacan bir ah iskaga qaban donaan,

COMMENTS
Latest News