Hubsadnews.com
DAAWO:Aas Qaran Oo Loo Sameeyey marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan)
April 10, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Hargeysa(Hubsanews): Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay aas qaran oo maanta loo sameeyey marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo katirsanaa golaha wakiillada Somaliland, isla markaana shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Aaska qaran ee maanta magaalada hargeysa loo sameeyey marxuumka ayey waxa ka qayb-galeey kumanyaal katirsan shacabka soamliland iyo madaxda qaranka xilidhibaanada labada aqal, waxayna dhamaantood halkaasi ka jeediyeen hadallo la xidhiidha taariikhdii marxuumka, waxtarkiisii iyo doorkii muhiimka ahaa ee uu ku lahaa dib-u-dhiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.sidoo kalena waxa aay eebe uga baryeen in janadii fardowsa ka waraabiyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagauna halkaasi ka ahdalay waxa uu marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxaana uu geeridiisa ka tacsiyadeeyey ehelka, qaraabada, qoyska iyo guud ahaanba qaranka Somaliland. ee uu ka baxay marxuumku (INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN)
sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dheeraaday aqoonta durugsan ee uu u lahaa marxuum Ibraahim Axmed Haybe, wuxuuna ku nisbeyey in uu ahaa halyeey qaran oo dalka wax weyn kasoo qabtay
sidoo kale waxaana uu madaxweynuhu ka marag-kacay dedaalkiisii iyo hal-adaygii uu caanka ku ahaa,

ILAAHAU HA UNAXARIISTO AMIIM AMIIN

COMMENTS
Latest News