Hubsadnews.com
DEG DEG:- Dagaal beleysan oo sabobay dhimasho iyo dhaawac oo dib uga soio cusboonadey deegaanka Fadhigaab oo ka tirsan degmada Ceelafweyn ee Gobolka Sanaag iyo sida ay wax udhaceen,
April 4, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Deegaanka fadhigaab oo ka tirsan degmada Ceelafweyn ee Gobolka sanaag, ayaa la sheegay inay ka bilawdeen dagaal mar kale dib uga qarxay halkaasi oo u dhexeeya beelihii halkaasi hore ugu dagaalamay qaybo ka mid ah.

dagaalkan ayaa warar ay Hubsadnews, ka heshay waxa ay sheegayaan inay jiraan khaasare labada dhinacba ah kuwaas oo aan illaa hadda si rasmi ah ;loo xaqiijin tirada ay gaadhay khasaaaradhaasi, waxaanay warar deegaankaas ka imanayaa tibaaxayaan in ugu yaraan sadex qof ay dhinteen balse wararka qaar ayaa sheegaya in tiro intaa in ka badan aay jiraan labada dhinacba.
Dagaalkan ka qarxay deegaanka fadhigaab ee ka tirsan Gobolka sanaag, ayaa ahaa labadii beelood ee hore ugu dagaalamay deegaamada dararweyne iyo meelo kale oo ka tirsan deegaan Ceelafweyn oo dhowaan halkasi lagu soo geba gabeeyey colaadi udhaxeeysay labada beelod , balse arrinta dagaalkan kale ee ka soo cusboonaaday deganadaasi , ayaan la garanayn sababta soo celisay collaaddaasi hada dib uga bilaabatay deegaankaasi isla maanta oo muddo kooban laga joogo xallinta colladaasi
balse dhawaan unmbey ahayd markii wasiirka wasaarada arimaha gudaha Maxamed Kaahin iyo wafti uu hogaaminayo aay hehiisiyeen laba beelood ee wada dega deeganadaasi oo colaad adag ay udhaxeeysay isamarkaana aay gacmahana la isku saareen beelahaasi oo aay ku dhaariyeen in aaney dib iskugu noqoneyn arrinta ayaa ku dhmaatey (~aqbal iyo gudoon)
Masuulyiinta gobolka sanaag oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino dagaallkan dib uga qarxay deegaanka fadhigaab ee labadan beelood ee collaadoodu raagtay u dheexayaa ayaa noo suurta gelin inaanu helno masuuliyiintaasi, balse dad deegaanka degan , ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dagaalkaasi inuu halkaasi dib uga bilawday,

COMMENTS
Latest News