Hubsadnews.com
Deg deg: Gudoomiye Jawaari Oo Iminka Hadley Shegayna in xukumada farmaajo aay Is Casiho
April 3, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

moqdisho (hubsadnews):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka somaliya  pro- Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goor dhoweyd shir jaraa’id oo degdeg ah ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku guuldareystay inuu kala dhex galo dhinacyada khilaafka u dhaxeeyay, isagoo xusay in maalinkii uu baajinayay kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10 cisho ah in lagu xalinayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suura gelin.

Guddoomiye Jawaari aoo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in meeshii uu ka sugayay Madaxweynaha soo jeedin odaytinimo iyo dhaxdhaxaadin balse mey ahyn in uu dhinac la safto pp lagu yidhaado is casil ,balse taasi ay tahay wax aan la aqbali karin.Waxaan uu sheegay in Xukuumadda ay howsheeda gabtay, isla markaana iyada loo baahan yahay inay is casisho, waxaana uu intaa ku daray in qalalaase badan ay abuureen, isla markaana ku kaceen falal aan fiicneyn, sida inay ku talax tageen xormadii Baarlamaanka.

COMMENTS
Latest News