Hubsadnews.com
Deg Deg:- Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo xabsiga maanta dhigtey Suldaankii Beelaha Gabooye .
April 8, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad
  1. Burco (H.N)Suldaanka Gabooye ee Gobollada Barriga Somaliland Suldaan Nadiif Saydh Jibriil ayaa hadda lagu xidhay Saldhiga boolilska ee magaalada Burco, sida uu Hadhwanaagnews uxaqiijiyay Barkhad Jibriil oo ka tirsan xisbiga Waddani.

Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo ah xoghayaha Cadaalada ee xisbiga Waddani ayaa qoraal kooban oo uu kaga hadlayo xadhiga suldaanka soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga, qoraalkaasi oo dhamaystirana sidan ayuu udhigan yahay “Sallaadiintu xurmo ayey ku mudan yihiin xilkay umadda u hayaan oo ah Illaalinta Nabadda. Suldaan Nadiif oo ah Suldaanka Gabooye ee Gobollada Berri ayaa hadda Saldhiga Burco lagu xidhay. Qofna sharciga kama sarreeyo waxaas’e jirinba fal denbi ah oo Suldaanka gacanta kula jiray isagoo aqalkiisa jooga ayaanay ciidamaddu soo xidheen. Sida u i xaqiijyey Garaadka Guud ee Beelaha Gabooye Garaad Yoonis Garaad Haybe. Waxaan ugu baaqeyna inu Odeygaas dhaqan xorriyadiisa deg deg loogu celiyo gafkaa laga galayna xaal laga siiyo. Sharciga sallaadinta kale xidhi waayey ee kan xidhay halkuu ka shaqeeya?”.

COMMENTS
Latest News