Hubsadnews.com
Dil Dilaaca Xisbiga Kulmiye Iyo Rajadii Shacabka Kulmiyaha Cusub(Faalo!!!
April 7, 2018 - Written by Hargeisa Office

Xisbiga Kulmiye Oo Ka Mida Xisbiyada Guunka Ah Dhinaca Siyaasada Somaliland Ayaa Hada U Muuqda Mid Godmadow Ku Sii Socda Taas Oo Ay Sabab U Tahay Siyaasada Qori Isu Dhiibka Labada Beelood Habar Jeclo Iyo Sacadmuuse Ee La Baxay Jeegaanta, Ay Sababi Doonto Inuu Gebi ahaanba Xisbiga Kulmiye Qaadi Doono Wadadii U Qaaday Xisbigii Ugu Weyna Xisbiyada Somaliland Udub, Balse Manta Badbaadinta Xisbiga Kulmiye ay Ku Jirto In Weji Ka Duwan Wejigii Hore Lagu Bedelo Si Xisbiga Kulmiye Loo Bad Baadiyo, Shacabka Somaliland Marnaba Xisbiga Kulmiye Dib Ugu Dooran Maayan Inta Kolba laba Reer Isku Dhex Bedelayaan, Iyado Shacabku Ka Niyad Jabay  Siyaasada Madaxweyne Muuse Biixi Ee U Jan Jeedha Labada Reer Ee Inta Badan Aaminsan Inay Shuraako Ku Yihiin Xisbiga Kulmiye Waxaa Tusaale Ugu Filan Xukumada Madaxweyne Muuse Magacaabay, Taas Oo  Beesha Madaxweynuhu La Shuraakoobay Ka yaabtay Dheeli Tirnaanta in Laba Beelood U Bataan Sida U Boqor Buurmadow Ka DhawaajiyeyBal Aynu Isdul Taagno 87 Digreeto Ee Madaxweynuhuu Soo Saaray intii U Xilka Hayey :

# Ciise Muuse

1.Wasiirka Arimaha Debada

2.Wasiirka Horumarinta Wadooyinka

  1. Agaasimaha Guud Maalgashiga

4.Agaasimaha Guud Arimaha Bulshada

  1. Hanti Dhawraha Guud

6.Badhasaabka Gabiley

#Sacad Muuse

1.Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsinta

2.Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka

3.Wasiir ku x Ariimaha gudaha iyo amniiga

4.Mareeyaha Hawada iyo Madaarada

5.Mareeyaha Ka hortaga Abaaraha iyo kaydka raashinka

6.Gudoomiyaha Gobalka salaal

7.Gudoomiyaha Gobalka saraar

8.Gud ku xigeenka Gobalka maroodijeex

9.Safiir ku xigeenka Ethiopia

10.Aggasimaha guud ee Madaxtooyada

11.Aggasimaha guud Ee caafimadka

12Aggasimaha guud ee Maaliyada

13.Aggasimaha guud ee qorshaynta qaranka

14.Gud ku xigeenka Haayada tayada ……

#Habarjeclo

1.Wasiirka Ariimaha gudaha iyo amniiga qaranka

2.Wasiirka Dastuurka iyo Golayaasha

3.Wasiirka Macdanta

4.Wasiirka shaqada iyo ariimaha bulshada

5.Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga

6.Wasiir ku xigeenka caafimadka

7.Gudoomiyaha haayada Qaxoontiga

8.Gudoomiyaha gobalka Awdal

9.Gudoomiyaha gobalka maroodijeex

10.Gudoomiyaha Hayada Tayaada cuntada

11.Gudoomiye ku xigeenka hayada wadooyinka

12.Safiir ku xigeenka Dalka Kenya

13.Safiirka Midowga Africa

14.Aggasimaha guud Ariimaha dibada

15.Aggasimaha guud ee Cadaalada

16.Aggasimaha guud ee Hormariinta reer miga iyo deeganka

17.Aggasimaha guud hawlaha guud iyo guryaaynta

18.Aggasimaha Guud ee Ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska …

..#Garxaajis…

1.Wasiirka Maaliyada

2.Wasiirka Caafimadka

3.Wasiirka Ciyaaraha

4.Wasiirka Deganka

5.Wasiir ku xigeenka waxbarashada

6.Wasiir ku xigeenka warfaafinta

7.Gudoomiyaha Gobalka Togdheer

8.Gudoomiyaha Gobalka Hawd

9.Gudoomiye ku xigeenka Gobalka saaxil

10.Afhayeenka Madaxtooyada

11.Safiirka Ethiopia

12.Aggasimaha Boosaha

13.Aggasimaha Dastuurka iyo xidhiidhka golayasha

14.Aggasimaha Degmooyinka iyo dawlada hoose

15.Aggasimaha gadiidka

….#Arab….

1.Wasiirka Diinta iyo waqaafta

2.Wasiirka maalgashiga

3.Wasiir ku xigeenka ariimaha gudaha

4.Gudoomiyaha Gobalka sanaag

5.Safiirka Qaraamada midoobay

6.Aggasimaha Ciyaaraha

7.Aggasimaha Beeraha

….#Ayuub…

1.Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga

2.Aggasimaha macdanta

3.Madaxa horumariinta Mashaaricda Dalka

 …#Toljeclo….

1.Wasiir ku/xigeenka Maaliyada

 

 

 ….#Harti….

 

1.Wasiirka wasaarada biyaha

2.Wasiirka Hawlaha guud iyo guryaaynta

3.Wasiirka Waxbarashada iyo sayniska

4.Wasiirka Gaashandhiga qaranka

5.Wasiir ku xigeenka Hormarinta jidaadka iyo gadiidka

6.Gudoomiyaha gobalka Buhoodle

7.Aggasimaha diinta iyo waqaafta

8.Aggasimaha Amniiga

9.Aggasimaha Warfaafinta

10.Aggasimaha maamulka iyo lacagta koomishinka aydhiska

11.Mareeye ku xigeenka Ka hortaaga abaaraha iyo kaydka raashinka ….

#Samaroon….

1.Wasiirka wasaarada beeraha

2.Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka

3.Wasiirka Wasaarada ganacsiga,warshadaha iyo dalxiiska

4.Gudoomiyaha gobalka Saaxil

5.Gudoomiye ku xigeenka Haayada qaxoontiga

6.Aggasimaha wasaarada Biyaaha

7.Aggasimaha wasaarada tacliinta sare

8.Aggasimaha wasaarada xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga ….

#Ciise…

1.Wasiirka wasaarada Cadaalada

2.Aggasimaha wasaarada waxbaraashada ….

#Gabooye….

1.Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta qaranka ….

#Fiqishini…

1.Lataliyaha Madaxwaynaha Ariimaha bulshada

Waxaad Ka Dhheehanaysa Miisanka Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi In Sed Bursi Fara Badan Ugu Jiro Labada Reer Ee Ku Midoobay Nidaamka Qori Isku Dhiibka Sida Ku Cad Digreetada Nadaxweyne Muuse Biixi Tusaale Ahaan Beesha U Ka Soo Jeedo Sacad Muuse Waxaa U Siyey Ku 14 Digreeto

Halka U Beesha Habar Jeclo Siyey  18 Digreeto, Wadar ahaan Ay Isku Noqonayaan 32 Digreeto Iyado Sido kale Beesha Ugu Cabashada Badan Ee Garxaji U Siyey  15 Digreeto , Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Soo Dhisay Ayaa Beelaha Sida Weyn Uga Qayb Qaatay Saluug Weyn Ka Muujiyeen, Madama la Filayey In Ay U Badnaan Doonan Beelaha Darfaha Dega, Inkasto Beelaha Bariga Dega La Siyey Digreetooyin Ka Badan Intii Hore Balse Beelaha Afka Dhulka Daray Ay Ka Mid Yihiin Beelaha Dega Galbeedka Gobolada Awdal Iyo Salal Oo Rajadii Ay Filayeen Ka Waayey Xukumada muuse Biixi Cabdi, Waxaa Sido  Kale Dhulka Afka Daary Beesha Ciise Muuse Oo Kaalin Muuqda Ka Qaatay Soo Bixitaanka Balse Abaalgudkoodi Noqday Fartayda Edayey.

Rajada Xisbiga Kulmiye Iyo Maareynta Siyaasinta Ku Gedaaman Kursiga Madaxweynaha

Waxaa Beryahan Danbe Isa Soo Taraya Guuxa Kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo U Muuqda Loolan Adag In U Geli Doono Iyado Madaxweyne Muuse Biixi Weli Rajaynayo Inuu Sii Dul Fadhiyo Balse Weli aanu Diyaarin Qorshihii U Ku Hanan Laha Siyaasiyiinta  Rajaynaya In Mar Uun Ku Fadhiisan Doonan Kursiga Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, balse Dadka Siyaasada Ka Faalooda Waxay Madaxweyne Muuse Biixi Ku Dhaliilan Inuu Lumiyey Fursadii U Ku Hanan Laha Siyaasiyiinta Ugu Cad Cad Inuu Gacanta Ku Qabto Si Jacaylka Kursiga Uga Yaraado, Balse Markii Xilka Loo Dhaariyey U Gebi ahaanba Alabaabka Ka Soo Xidhay, Taasina ay Sababi Doonto In Loolan Adag U Waajihii Doono Hadii U Wareejin Waayo Jagada Gudoomiye Nimo, Siyaasada Madaxweynaha ayaa U Muuqatay Inuu Ka Takhalusay Gudoomiye Ku Xigeenkii Kowaad Maxamed Kaahin Axmed iyo Gaafadhi Oo Labaduba Hunguri Kaga Jiray Kursiga Gudoomiye Balse Manta Hankii Siyaasadeed Ka Doorbiday Jagada Wasiirnimo, Taas Oo Jaanis Farabadan Siisay Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Inbadan Ku Gaaf Wareegayey Kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Balse Waxay Ku Xidhnaan Doonta Sida Kolba Uga Fa’idaysto Gol Dalooloyinka Madaxweyne Muuse Biixi Ka Yeelay Magacabista Xukumada Taas Oo Beelaha Ku Jira Golaha Dhexe Ee Kulmiye Gacmaha Ka laaban Doonan Hadii U Mar Kale Isu Soo Sharaxo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Hadii aanu Wax Ka Bedelin Siyaasada Dhinaca Ka Rararan

Gebo Gebo

Waxaa Hubaal ah Hadii Manta Madaxweynaha Shacabku Codka Aqlaabiyada Ku Doorteen Dib Cod Loogu Qaadi Laha U  Boqolkiiba Kontan Waayi Laha Codka  Shacabka, Balse Waxay Ku Xidhnaan Doonta Hadba Sida U Siyaasada U Fur Furo Iyado Shacabka Saluug Ka Muujiyeen Xukumada U Soo Dhisay Balse Waxaa Shacabku Indhaha Ku Hayaan Sida U Ka Yeeli Doono Lix Bilood Kadib Xukumada aan Miisanka Badan Ku Fadhiyiin.

Source: Waaberinews.com

 

COMMENTS
Latest News