Hubsadnews.com
Faysal Cali Waraabe :Majaajilayste ku dhex muquurtay miidaamka siyaasada
April 9, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal cali waraabe ayaa ku sifoobay shakhsi siyaasada ganacsi ka dhigtay kuna milma marwalba xukuumadaha talada dalka qabta isagoo marba u nacamleeya maalinba ninka kursiga fadhiya , Faysal cali waraabe ayaa mudadaa dheer ee ku siman 18ka sano waxa uu ku sifoobay asal ma doorshe aan bilaale cadayn oo guulwadayn ku ceesha waxaana uu maalinba daneeyaa kii kursiga dalka laga maamulo darawliya ee doonta naakhuudaha ka noqda.

Faysal ayaa dawladii la doorto ee duubka madaxa loo sudhoba ka dalbada faro guudkood oo uu ku garab joogsado marka ay is qabtaan xisbi mucaaradka kale iyada oo taasina kenta in uu marwalba xisbiga kale ee mucaaridka ihi uu ku madiyoobo maayada siyasadda ee mawjadaha badan oo aan ka maarmin magansi iyo xulufo, Faysal cali waraabe waxa uu ku soo dhaqmaayey dhaqankan qadhaadh een milgaha siyaasadeed meelna ka soo gelin mudo ku siman ilaa xiligii marxuum Cigaal uu talada dalka hayey oo yaalaa la xuso in uu marxuumka laftiisu samaystay xisbiga Ucid si uu Faysal awrkiisa ugu dhaansado.

Faysal cali waraabe waxa uu inta badan ku farxaa uguna dhantay marka uu ka hadlayo xaflad ama madal siyaasadeed oo ilyartu isqabatay oo lagaga maadsanayo qosolna jaanta la rogay wxaana muuqata Faysal in ay shaqadiisu ku haboonayd majaajilayste kaliya ee aanu ahayn ehelkii siyaasada.

COMMENTS
Latest News