Hubsadnews.com
GEG DEG : Xildhibaano ka tirsan aqalka sare ee somaliya oo sheegay in uu hada is casilay Gudoomiye Jawaari iyo xaalada ay saaka gashegay magaalada muqdisho
April 9, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

 

 

somaliya(Saaxilonline): magaalada muqdisho waxa aay mudooyinkanba ay ku jirtay xaalad cusub oo cakirneyd kadib markii khalaaf weyni ka dhax dheshay xildhibaanada aqalka sare ee somaliya khilaafkaas oo la xidhiidhay mooshin ka dhan ah oo ay wateen qaar kamida xildhibaanada golaha shacabka somaliya oo ay rabeen in ay kalsoonida kala noqodaan gudoomiyaha goolaha shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari. mooshinkaas oo ay horkeenen xildhibaanada golaha shacabka balse mooshinkana ayaa  sabobay in ay kala qaybsamaan xildhibaanadu waxayna qaar kamida xildhibanaadasi aay reen gudoomiya islamrkaana waxa ay kasoo horjeedan mooshinkanay xildhibaanada kale ay ka keenen  gudoomiyaha halka xildhibaanadii kalina aay dabada ka riixayeen mooshinkaasi,+

intii uu socdey moshinkaasi waxa fashilmay kulamo badan oo loo balansanaa in ay iskugu yimaadan xildhibanadu si ay xal ugu raadiyaan mooshinkan lagaran laayahay cida ka dambeysa,

iyadoo dhinaca kalena ay garab socdeen hadalo sheegayey in u mooshinkaasi uu ka dambeyo reysal wasaare Khayre sida uu gudoomiyuhuba marar badan uu ka dhawaajiyey islamrkaana uu sheegay warbaahinta in uu mooshinkan ka dambeeyo Khayre

iyada oo ay arintu tidaan tahay  madaxweyne Farmaajo ayaa ayaa soo kala dhexgalay khilaafkaasi wuxuuna iskugu yeedhay reysalwasare Khayre iyo Gudoomiyaha mooshinka laga keenay ee PR-Jawaari Iyo labadiisa kuxigeen wuxuuna madaweynuhu ka codsadey in khilaafkan lasoo afjaro weyna ka aqbaleen codsigaasi waxaana sidaas ku baaqdey kulan ay markaas u balasanaayen xildhibaanada golaha shacabka oo lagaga doodi lahaa mooshinka ka dhenka ah

Bulshada soamliyeed ayaa arintaasi u arkeysay in uu madaxweynuhu dhameeyey khilaafkii uu dhaxeeyey xidhibaanada golaha shacabka somaliya arintaasina aay tahay guul usoo hyatay shacabka somaliyeed,

balse mudo kooban kadib waxa marlabaad soo labo ka leeyey khilaafkii udhaxeeyey xildhibaanada waxaana halkaasi kasii bilaamey mooshinkii ka dhanka ahaa ee xilka laga tuurayey gudoomiye Jawaari

Waxaana saaka baraha ay bulshadu ku xidhiidho lagu arkayey warar sheegayey in uu saakaba iscasilay gudoomiyaha golaha shacabka somaliya Pr Jawaari oo mudooyinkanba ay is haysteen sidii aanu horey usheegnay qaarkamida xildhibaanada goolaha shacabka ka dib markii aay ka keenen mooshin ka dhen ah oo xilka ay kaga tuurayaan gudoomiyaha waxaana mudooyin badan losoo jeediyey gudoomiyaha in uu is casilo balse waa diidana arintaasi

iyadoo aay sidaa arintu u cakirantahay saaka waxa markaliya soo ifa baxdey warqad is casilaad ah oo ka timid guddoomiyihii Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari. waxaana warqadaasi xildhibaanada u akhriyey  Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey

Xildhibaannada oo maanta u balansanaa in ay ka doodaan mooshinka ka dhanka ahaa guddoomiyaha ay xilka aay kaga tujurayan  ayaa mar kaliya ka war heleen qoraalka ka soo baxay Prof Jawaari oo sheegaya in uu iska casilay xilkii guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeeenka Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa xildhibaannada u sheegay in maalinta Arbacada ah uu khudbad ka jeedin doono Jawaari Golaha Baarlamaanka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Prof Jawaari oo ka hadlaya waxaa ka jira in uu iska casilay xilka guddoomiyihii Golaha Shacabka oo baarlamaanka uu ka hor sheegay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Cabdiwali Muudeey.

warbaahinta la hadlay Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka somaliya oo sheegay in uu hada is casilay gudoomiye jawaari  ila hada lama hayo hadal isaga kasoo baxay oo iftiimaniya in uu isagu is casilley  waxaa la filaya in uu goor dhaw warbaahinta la hadali doono

hadaba magaalada muqdisho ayaa saaka la sheegayey in ay gashey caalada cusub oo ka dugan tii hore kadib markii la wada xidhay wadooyinka waaweyn ee halbowlaha u ah caasimada  islamarkaana aay istaagen iskusocodkii gawaadhida xaalada cusub awgeed, hada warar soo baxaya ayaa sheegaya in aay dib ubilaabmen iskusocka gawaadhidu (hadlka ka daawo):

 

COMMENTS
Latest News