Hubsadnews.com
Gigada diyaaradaha Mareykanka oo saxmad la ciirciiraya
March 15, 2020 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Dadka ka soo safray Yurub ee Mareykanka soo galaya saacado waxay ku jirayaan safaf dhaadheer inta laga hubinayo xaaladdooda caafimaad.

Gigaa diyaaradaha Mareykanka intooda badan inta ay gaarin laanta socdaalka waxay marayaan baaritaan dheer oo saacada qaadanaya.

Dhibaatada rakaabka Yurub lagu hayo awgiina wasaaradda arrimaha dibadda waxay muwaaddiniinteeda kula talisay iney u safrin dalka Mareykanka.

Dalka Mareykanka ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey waxa laga helay 2,700 oo kiis iyo 54 qof ay cudurka Coronavirus u dhinteen.

Warfidiyeennada ka soo warramaya dalka Mareykankana waxay sheegayaan iney dalka Mareykanka ka jirto dagganaasha la’aan cabsida cudurka ka dhalatay iyada oo ay dad badan ay isbitaallada ku cararaan iyaga oo oga gol leh si ay sariiraha isbitaalka uga buuxsamin.

Ku dhawaad 10 milyan oo arday oo goobaha carruurta iyo dugsiyada waxbarashada ku sugnaan jirayna waxaa lagu amray guriyahooda iney ka soo bixin.

Rakaab safaf dhaadheer uga jira airboorka O'Hare ee Chicago
Image captionRakaab safaf dhaadheer uga jira airboorka O’Hare ee Chicago

Wararka kale ee la xidhiidha cudurka Coronavirus:

  • Shirkadaha diyaaradaha Mareykanka waxay sheegeen iney qorsheynayaan ilaa iyo 6-da bisha May duullimaadyada caalamiga ah 75% iney joojinayaan.
  • Shacabka Faransiiska waxay u dareerayaan doorashada dowladaha hoose xilli ay sii kordheyso cabsida laga qabo inuu cudurka faafo.
  • Dalka Australia wuxuu ku dhawaaqay laga billaaba caawa saqda dhexe dhammaan dadka soo galaya dalkaasi in la geynayo goob gaar ah oo lagu karantiilayo muddo laba usbuuc ah.
  • Wasiirka caafimaadka UK Matt Hancock wuxuu sheegay iney dowladdu qorsheyneyso qof kasta oo ay da’diisu ka sarreyso 70 jir in la karantiilayo.

COMMENTS
Latest News