Hubsadnews.com
Madaxweynaha Somaliya oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkii Shirkii Jaamacadda Carabta ee Dahraan (Qoraal hoos ka akhriso)
April 16, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Muqdisho: (Hubsadnews)-16ka Abriil 2018; Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay shir-madaxeedka dalalka ku midoobey ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Al-Dahraan ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay madaxda Carabta, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay ee uu dalka hogaaminayey iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Carbeed ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dib-usoo-kabashada dalka.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta inay fuliso ballanqaadyadii iyo go’aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee lagu taageerayay Soomaaliya iyo in badeecadaha Soomaaliyeed loo fududeeyo suuqyada Carbeed, cafinta daymahii hore ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay ku leeyihiin dalka iyo in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada Carabeed in ay maalgashadaan Soomaaliya. maadama aay xidhiidho dhaw aay leeyihiin

hoggaamiyeyaasha kale ee ka hadlay shir-madaxeedkaasi ayaa iyaguna khudbadahooda ku xusay arrimaha Soomaaliya, sheegayna inay mar walba garab-taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kana taageri donaan dhinacyada amniga, la dagaalanka argigixisada, dib usoo noleynta cidamadii somaliyeed iyo sharafatii ay somaliya ku dhax lahaan jirtay wadamada caalamka kuwaasi iyo kuwo kale oo badan ayaaye ku sheegen khudbadahooga,

COMMENTS
Latest News