Hubsadnews.com
Madaxweyne DP WORD Waxa Ka Mudan Asli Maydi
March 22, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad
Mulkiilaha Shirkada Asli Maydi Oo Dhoofisa Khayraadka Beeyada Barkhad Jibriil Xasan Waa Nin Dhalinyaro Ah Oo Mudo Kooban Ka Ganacsanayay Dhoofinta Geedkan Beeyada Waxaanu Asaasay Shirkadan Asli Maydi Horaantii Sanadkii 2013 Kii Oo Laga Joogo Mudo Shan Sano Ah
Barkhad Jibriil Xasan Ayaa Ka Bilaabay Dhoofinta Beeyada Iyo Asaaska Shirkadan Meel Aad U Hoosaysa
Waxaana Uu Mudadaa La Kulmayay Cadaadisyo Fara Badan Oo Kaga Imanayay Xaga Ganacsatadii Hore Geedkan Udhoofinjirtay Oo Isugu Jirta Ganacsato Udhalatay Gobolka Sanaag Oo Ay Isku Qoys Yihiin Iyo Ganacsato Kale Oo Aan Udhalan Degaanada Uu Ka Baxo Geedkan Beeyadu Balse Ka Ganacsada Oo Iyaguna Dhoofin Jiray Beeyada
Duruufo Adag Oo Wejiyo Kala Gedisan leh Ka Dib Waxa Uu Mulkiilaha Shirkadan Asli Maydi Ka Fuliyay Degaanada Beeyadu Ka Baxdo Goobo Waxbarasho Si Ay Aqoon Ku Filan Uhelaan Dadka Beeyada Lihi
Barkhad jibriil Xasan Ayaa Noqday Masuulka kaliya Ee Markii Ay Abaarahu Ku Dhufteen Gobolada Bariga Somaliland Sida Muuqata Ugaga Qayb Qaatay Ficilka Ee Bulshadii Danyarta Ahayd Siiyay kaalmooyin Muuqda Oo Bulshadii Markaas Abaaraha iyo Wakhtiga Adagi Hayay Ay Ku Mahadiyeen, Waxaana Ay Taasi Markhaati Ka Tahay in Mulkiilaha Shirkadda Asli Maydi Dalka somaliland Uu Doonayo Inuu Wax Ku Soo Celiyo Taas Oo Ka Turjumaysa inuu Yahay Muwaadin.
Waxaanu Harumar Balaadhan Ku Sameeyay Ka Ganacsiga Geedkan Iyo Magaca Shirkadiisa Oo Uu Kala Mid Dhigay Shirkado Kaga Horeeyay Ganacsiga
Waxaanu Sare Uqaaday Qiimihii Ay Dadka Beeyada Lihi Ku Iibsan Jireen Kiilooga Beeyada Ah Oo Uu Afar Jibaar Sare Uqaaday Isla Markaana Kordhiyay Isagoo Dadkii Geedka Lahaana Usameeyay Caawimooyin Xaga Waxbarashada Ah Xiliyada Abaarta Ah Iyo Aqoon Korodhsiyo Lagu ilaalinayo Khayraadka Beeyada
Intaasi Ka Dib Mulkiile Barkhad Jibriil Waxa Harumar Balaadhan Ku Sameeyay Oo Uu Sare Uqaaday Ganacsigii Beeyada Oo Uu Suuqyada Caalamka Uga Raadiyay Suuq Xawaare Ah Oo Beeyada Lagu iibsado
Waxaanu Waxtar Weyn Ufuliyay Dadkii Beeyada Laha Iyo Degaankii Ay Ka Bixi Jirtay Ee Gobolka Sanaag Oo Uu Ka Fuliyay Adeegyo Badan Oo Bulshada Waxtaray
                                         
Madaxweynaha S,land Waxaan Usoo Jeedinayaa Talo Ah Inuu Barbar Istaago isaga Iyo Xukuumadiisu Harumarka Uu Inankan Dhalinyarada Ahi ka Fuliyya Gobolka Sanaag Iyo Meelo Badan Oo S,land Ka Mid Ah Oo Laga Dheehan karo Harumar Marka Loo Eego mudada Uu Ganacsiga Ku Jiray Iyo Da,diisa Waxyaabaha Uu Fuliyay Iyo Sida Uu Uga Qayb Qaatay Harumarka Dalka Haday Noqoto Shaqo Abuur Waxtar Kala Duwan Oo Isugu Jira Inuu Soo Kordhiyay Dhismayaal Dalka Iyo Dadka Waxtara Oo SHirkadiisu Ka Hirgalisay Magaalooyinka Berbera Burco Ceerigaabo iyo Hargeysa Sidoo kale Waxa Uu Xarumo Caafimaad Iyo Kuwo Waxbarasho Ka Hirgaliyay Magaalada Ceerigaabo Iyo Tuulooyin Kala Duwan Oo Ku Yaala Buuraha Ay Beeyadu ka Baxdo Oo Aan Hore Dadkii Geedkan iibsan Jiray Aanay Waxba Ugu Soo Celin Sidaas Oo Ay Tahay Madaxweyne Muuse Biixi Waxaan Farayaa In DP Word Ba Uu Ka Mudan Yahay Harumarka Muliilaha Shirkadani Dalka Ka Fuliyay Oo Ah Mid Aan Bulshada In Badan Oo Ka Mid Ihi Anaay La Socon
Waxaan Madaxweynaha Iyo Xukuumada Ugu Baaqaya Inay Dhiirigaliyaan Mashaariicaha Harumarineed Ee Shirkada Asli maydi Dalka Ka Wado Oo Aanay Usoo Raacin Shirkadaha Aan Raalida Ka Ahayn Harumarka Gobolkan Ka Tisqaaday Ee Is Baarooyinka Udhiganaya Mashaariicaha Wax Loogu Tarayo Dadka Beeyaysatada Ah
Dhinaca kale Markaad Aynu Xaga Kale Ka eegno shirkadda Dp World ee Maal-galinta dekeda berbera ku samaynaysa ayuu la mid yahay Ganacasade muwaadin Barkhad Jibriil Xasan oo isagu ka mid ah Shaqsiyaadka Faro Ku Tiriska Ah Ee Bulshadii iyo dalkiisuba ay Mahadiyeen taas Oo Ka Turjumaysa Markaas in xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaradkuba ay ku mahadiyaan hawsha wayn ee shaqo Abuurka Dalka Ee Uu Qaybtiisa ka qaadanayo taas oo keentay inuu Ganacsatadda kale Ee Dalka Kaga Magac Waynaado Kuna Dhaafo.
Barkhad Jibriil Oo Ah Ganacasade Muwaadin Ah Dalkana Ku leh Abaal Wayn Ayaa Xukuumadda Waxa Laga Rabaa in Ay Ku Taageerto Oo Ay Ku Garab istaagto Ganacsadaha Sida Uu Hawlaha U Wado Isla Markaasina Meesha Ay Ka Saarto Cida Danaha Shaqsiga Ah Ee Bulshadda Danta U Ahayn Ka Dhex Wadda Buuraha Beeyadda Ee Bulshadda Dhibaatadda iyo Isku Dirka la Dhex Taagan.

COMMENTS
Latest News