Hubsadnews.com
Markii lagu dhawaaqay geerida Suldaan Qaabuuskii Cumaan horaantii bishan, waxaa daba socday ammaan loogu jeedinayay horumarradii uu sababta u ahaa ninkaas oo loo yaqaannay “aabihii qaranka” –
January 22, 2020 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Markii lagu dhawaaqay geerida Suldaan Qaabuuskii Cumaan horaantii bishan, waxaa daba socday ammaan loogu jeedinayay horumarradii uu sababta u ahaa ninkaas oo loo yaqaannay “aabihii qaranka” – balse waxaa jirtay xaqiiq ah in sannadihii dambe ay jireen dhibaatooyin wiiqayay wanaaggii faraha badnaa ee loo hayay.

Dad badan oo reer Cumaan ah waxay suldaankii geeriyooday u arkayeen mid aan oggoleyn inuu maamulka iska wareejiyo, taasoo lagu tilmaamay dhibaato weyn oo xalkeeda uu adkaaday.

Qaabuus wuxuu ku gacan seyray inuu nidaamka dowladnimo ee aasaasiga ah u xilsaaro Ra’iisul Wasaare, sidii horayba uga jirtay Cumaan ka hor inta uusan suldaanka noqonin.

Isla sida ay sameeyeen madaxda isaga la midka ah ee ka taliya dalalka xubnaha ka ah golaha ay ku bahoobeen dalalka khaliijka, suldaan Qaabuus wuxuu caddeeyay mowqifkiisa ka dib markii ay dhaceen “mudaharaadyadii deyrta carabta ee gaaray Cumaan” sanadkii 2011-kii – xilligaasoo ay kumannaan qof waddooyinka isugu soo baxeen iyagoo dalbanaya shaqooyin iyo in musuqmaasuqa la ciribtiro – wuxuuna sheegay in awoodda siyaasadeed, ee isugu jirta sharci dajinta iyo fulintaba, ay gacantiisa kusii jiri doonto, isagoo xiray dood walba oo arrimahaas ku saabsan.

COMMENTS
Latest News