Hubsadnews.com
Ra`iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa ka sheekeeyay qaabkii loo maareeyay dabkii ka kacay dalkaas
January 12, 2020 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Ra`iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa ka sheekeeyay qaabkii loo maareeyay dabkii ka kacay dalkaas.

Morrison ayaa cambaareyn kala kulmayay bulshada Australia isagoo lagu eedeeyay qaabka ay dowladdiisa u maareysay dabka ka kacay qeybo ka mid ah dalkaas iyo siyaasaddiisa isbeddelka cimilada.

Tan iyo bishii September, dab ka kacay Australia ayaa dilay ugu yaraan 28 qof isagoo kumannaan guryo ahna burburiyay.

Mr Morrison ayaa maanta yiri “waxaa jiray waxyaabo aan si wanaagsan wax uga qaban karay”.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Mr Morrison ayaa cambaareyn kala kulmay shacabka Australia xilli uu booqanayay gobollada ugu daran ee uu dabku ka kacay ee New South Wales iyo Victoria.

Magaalada Cobargo ee gobolka New South Wales, ayaa haweeney ku nool waxay codsatay in wax badan laga qabto dabka kacay, halka kuwo kalena ay ugu yeereen Mr Morrison “doqon” waxayna yiraahdeen “wax codad ah halkan kama heli doontid”.

Bishii la soo dhaafay, Mr Morrison ayaa waxaa lagu cambaareeyay inuu fasax u aaday dalka Mareykanka xilli uu sii xoogeystay dabka dalkiisa ka holcayay. Carada ay dadku ka qaadeen maqnaashihiisa ayaa ku qasabtay inuu soo afjaro fasaxiisa uuna dib u soo laabto. w

Muxuu Morrison ka yiri isbeddelka cimilada?

Dowladda Mr Morrison ayaa lagu eedeeyay inaysan wax badan ka qaban wacyigelinta isbeddelka cimilada adduunka, oo ay khubarradu sheegeen inay sii xoojin karto dabka holcaya.

Balse wareysi lala yeeshay, ayuu Ra`iisal Wasaaruhu ku difaacay habka ay dowladdiisu u wajahday, isagoo sheegay inay xisaabta ku darsatay saameynta ay isbeddelka cimiladu ku leedahay dabka.

A Rural Fire Service firefighter views a flank of a fire on 11 January, 2020 in Tumburumba, Australia

“Waxaan ku nool nahay xilliyo xagaa oo dheer, kulul isla markaana qallalan,” ayuu yiri Morrison. “Tani waxaa saameyn ku yeeshay isbeddelka cimilada ee baaxadda leh.”

Mar wax laga weydiiyay qorshihiisa ku aaddan dhimidda hawada kaarboonka, ayaa wuxuu Mr Morrison ku adkeystay in dowladdiisa ay cagta saartay hiigsigeeda wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Marka la eego heshiiskii Paris ee cimilada, Australia ayaa codsatay in 28% la dhimo hawada kaarboonka wixii loo gaaro 2030.

COMMENTS
Latest News