Hubsadnews.com
Roobabkii Guga Oo Ka Curtey Magaalada Muqdisho iyo bulshada ku dhaqan magaalada oo siweyn usoo dhaweeyey
April 11, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Moqdisho (Husadnews): Roobab xoog leh oo Saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa saamayn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo wadooyinka waaweyn ee halbowalaha u ah magaalada iyo kuwa xaafaddaha ay biyo fariisteen. taas oo markii aay mareen gawaadhidu ay isku badashey dhooqo ay mari kari waayen dadku,

 

Sidoo kale roobabkan xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarkeda kuwaa soo aan heysanin guryo ka ay kaga gabadaan islamarkaana isaka celinkara dhibcaha roobka

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jiray kuleyl daran oo saameeyay bulshadda ku nool magaalada balse roobkan ayaa noqdey mid qaboojiyey dadka iyo duunyadaba

Roobkan ka da’ay Muqdisho waxaa uu bilaabmey saqdii dhexe ee xalay,waxaana ay dadka reer Muqdisho saakay ku soo tooseen jawi qabow, walow dhinaca kale marka la eego dadka danyarta ah ee ku jira xeryaha Barakacayaasha u nugul yihiin robabkan curtay ee hadda uun bilowga ah.

COMMENTS
Latest News