Hubsadnews.com
Shirkadda Dahabshiil Group ayaa ugu deeqday $800,000 Guddida Heer Qaran ee Ka Hortaga Covid19 ee Somaliland.
May 17, 2020 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Hargaisa(Hubsadnews.com)Shirkadda Dahabshiil Group ayaa ugu deeqday $800,000 Guddida Heer Qaran ee Ka Hortaga Covid19 ee Somaliland. Deeqddaa oo isugu Jirta:
1- Qalab Caafimaad oo qiime ahaan ku kacaya $600.000 (Lix Boqol oo kun oo Doollar) kana Kooban:-

  • Saddex Gaadhi oo Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah ee loo yaqaan (Ambulance) oo qolabkoodu u dhameystiranyahay.
  • Mishiinada Shaybaadhka Xanuunka Covidh19
  • Laba Mishiin oo kuwa waaweyn ee dhaliya Oxygen ta ah
  • Mashiinada Naqaska dadka kasoo saara (Ventilotors)
    2- Lacag $200.000 (Laba Boqol oo kun oo Doollar) oo loogu talo galay in la siiyo 4,000 oo qoys oo reer Somaliland.

COMMENTS
Latest News