Hubsadnews.com
Ururka hurumarinta dhalinyarada Somaliland Ee SAYO Oo Gudoomiye Cusub U Dootay Axmed Mahadi Dhibiil (Hoos Ka Akhriso)
October 13, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Hargeysa ( Hubsadnews): Ururka hurumarinta dhalinyarada Somaliland Ee SAYO Oo Gudoomiye Cusub U Dootay Axmed Mahadi Dhibiil

Ururka hurumarinta dhalinyarada Somaliland, Somaliland Advancement Youth Organization SAYO oo ah urur samo fal oo dalka ka jira ayaa gudoomiye u doortay Axmed Mahdi Dhinbiil in uu hogaamiyo ururkan. muanaasibadda Doorashadan ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Boorame ee Gobolka Awdal.Ururkan Sayo ayaa doorashadooda qabsada sanadkiiba hal mar, doorashadana waa markii 5 aad ee la qabto waxaanay markii hore ka qabsoontay gobolka Maroodi jeex ee magaalada Hargaysa
Soyo oo arimaha bulshada ka shaqeeya ayaa xiliyo hore si waafiya uga qayb qaatay arimo door ah oo ay ka mid ahaayeen Abaarahii dalka ka dhacay oo si mutadawacnimo ah u fuliyay ururin, qaybin, xog ururin iyo arimo la hal maala, waxaa kale oo urukani u banbaxeen wacyi gelinta dhalinyarada iyo tabababaro dhinaca xirfadaha ah oo ay meelo kala duwan ka fuliyeen.


Ururkan oo ay ku jiraan aqoonyahano iyo xirfadyaqaano dadaal badan ayaa hadii ay sidan ku sii wadaan noqon doona qaar bulsahdooda gaadhsiin kara hurumar la taaban karo
Munaasibada doorashada oo ay hogaaminayeen xubnaha sare ee ururka Sayo ayaa waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ururkan oo ka waramay waayahii ay soo mareen iyo xiligan halka ay wax u marayaan.
Doorashadan maanta oo ayay u tartameen Afar murashax waxaa tanaasulay laba ka mida murashaxyadii tartamayay waxaana isku soo hadhay laba murashax oo markii danbe ku kala hadhay cod far tag ah oo uu lix cod ku guulaystay Axmed Mahdi Dhinbiil.
Munaasibadan ayaa ku soo gebagaboday jawi uu ka muuqday bisayl dhinaca doorashada iyo tartan xalaal ah,
Wa bilaahi towfiiq
Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye

COMMENTS
Latest News