Hubsadnews.com
Waqtiga Uu Jeclaan Lahaa In La Ciyaaro Napoli vs Madrid, Waxa Uu Kaga Duwan Yahay Higuain Iyo Diego Maradonda Oo Dhaleeceeyay Cristian Ronaldo
December 29, 2016 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Diego Armando Maradona ayaa markaan weerar afka ah ku qaaday Cristiano Ronaldo iyo Gonzalo Higuain isagoo sidoo kale ka hadlay kulanka wareega 16-ka Champions League-ga ku dhexmari doona kooxdisii h–e Napoli iyo Real Madrid.

Ronaldo oo sanadkaan 2016 ku guuleystay Champions League, UEFA Super Cup, FIFA Club World Cup, Euro 2016 iyo Ballon d’Or ayaa shaaciyay inuu sanadkaan u yahay kii ugu wanaagsanaa waayahiisa, balse Maradona oo soo qaadanaya waxqabadkiisa xagaagan ayaa ka dhawaajiyay inuusan ku jirin waqtigiisa ugu fiican.

 

Maradona ayaa shaki galinaya sida uu Ronaldo waqti wacan ugu jiro marka lasoo hadal qaado waxqabadka xagaagan madama uu 23-gool dhaliyay 22-kulan oo uu u saftay qaranka iyo kooxda, wuxuuna aaminsan yahay inuusan wali heysan awoodiisii lagu yaqaanay.

Halyeeygii h–e Napoli ayaa ka cabsi qaba inuu Cristiano Ronaldo taam buuxa soo noqon doono marka ay is wajahayaan Napoli iyo Real Madrid bisha February isagoo jeclaan lahaa in kulanka lasoo hormariyo madama uu qabo inuusan xidigaan ku jirin waqti fiican.

“Waxaan doonayaa in kulanka Madrid vs Napoli maanta la ciyaaro sababtoo ah Cristiano Ronaldo kuma jiro waqtigiisii ugu fiicnaa”

“Si kastaba February waxaan filayaa inuu xaaladiisii h–e kusoo noqon doono sida ay rajeynayaan saaxiibadiisa kooxda” ayuu Maradona u sheegay warbaahinta.

Dhanka kale Maradona oo 1986-kii u qaaday Argentina koobka Aduunka ayaa ka hadlay inuu Gonzalo Higuain ku biiray Juventus kana tagay Napoli isagoo farta ku goday madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio de Laurentiis.

Waxaan is iri xagaagii h–e hadii Higuain uu dhaliyo 36-gool waa mucjiso inkastoo de Laurentiis uu yaqaana sida loo loo iibiyo ciyaartoydaas oo kale, sababtoo ah wuxuu iibiyay naftiisa” Ayuu ku kaftamay 56-jirkaan.

COMMENTS
Latest News