Hubsadnews.com
Xoghayaha fulinta dawlada hoose Iyo maayar Soltelco oo ay fiintu dhex dhex miranayso+cabashooyinkii xoghayihii hore oo soo if baxay
April 7, 2018 - Written by Hargeisa Office

Hargaysa Sida ay warar Xogogal ah oo ay Shabakada wararka Hubsadnews ay u xaqiijiyeen ilowareedyo kala gedisani ayaa Waxa Khilaaf hor leh oo xoogani Markale Ka dhex qarxay  xoghayaha fulinta Iyo maayirka Caasimada Hargeysa , Sida ay wararkani  ay xaqijiyeen ayaa khilaafku waxa uu Salka Ku Hayaa Faro gelin Maamul Sidii uu hore Ugu Cawday Xoghayihii Hore ee Dawlada hoose ee Hargaysa Cali Xasan Cawaale Taas Oo In badan uu ku celceliyey  In ay Jiraan Xoghayeyaal qarsoon oo shaqada si dadban ula wada balse uu arkidoono marka uu Xafiiska Lawareego hasayeeshee Xoghayaha Fulinta dawlada hoose Mr Juxa ayaa arinkan ka biyodiiday Sida Wararku nagu Soo Gaadhayaan Cabasho Degdeg ah u gudbiyey wasaarada arimaha gudaha  Waxaana laga Warsugayaa talaabada uu qaadidoono wasiirka arimaha gudaha ee somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed  madaama oo uu maayarku hore u sadqeeyey masuul  lagu hirtay oo isbedel horleh u horseeday  Dawlada Hoose ee Hargaysa.

Hubsadnews.com

Hargeisa Office

COMMENTS
Latest News