Hubsadnews.com
Coronavirus: Sagaal arrimood oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato
March 29, 2020 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Cudurka Safmarka ee Coronavirus oo horay u sii jiray ayuu haddana caalamka si rasmi ah u ogaaday wixi ka dambeeyey bishi December, 2019-ka.

Saaynisyahannada adduunka oo dhan waloow ay ku mashquulsan yihiin baaritaanna dheeri ah oo ay ku ogaanayaan xogta cudurka iyo sidi dawo rasmi ah looga heli lahaa haddana waxaa jira arrima ku saabsan faaraska Covid-19 oo u baahan inaan wax ka ogaanno.

Markasta oo la soo hadal qaado Coronavirus waxaa jawaabo waafi ah in laga bixiyo u baahan suaa’alahan soo socda.

1. Imisa qof ayuu cudurka soo ritay?

Su’aashan waa su’aal aasaasi ah, jawaabteeduna waxay tahay ilaa hadda dadka baaritaanka lagu xaqiijiyey uu cudurka haleelay ay 600,000 kor u dhaafeen.

Tiradaasi ayaa ah dadka si rasmi ah cudurka looga helay balse waxay dhakhaatiirta caalamka ay ku mashquulsan yihiin boqollaal kun oo kale oo astaamihi cudurka laga helay balse aan lagu tirin karin iney Coronavirus qabaan.

2. Coronavirus waa dilaa noocee ah?

Guud ahaan tirada dadka uu cudurkan haleelay ee dunida ku nool maadaamaa ay marba marka ka dambeyso ay isasii beddeleyso wey adag tahay in la yirahdo tirada waa intaa. Balse heerka cudurka uu wakhti xaadirkan dunida ka marayo dadka laga helay faayraska Covid-19 waxaa u dhimanaya 1% oo keli ah.

Tirada rasmiga ah ee dadka uu cudurkan ku dilay caalamka oo gaaray ku dhawaad 30,000 haddana waxaa loo baahan yahay in dadaallo hor leh loo galo sidi loo ogaan lahaa tirada rasmiga ah dadka uu cudurkan haleelay.

3. Astaamaha cudurkan maxay yihiin?

Astaamaha ugu muhiimsan ee cudurka Coronavirus waa qandho ama xummad iyo qufac qallalan, marka waa in astaamahaasi si weyn loola socdaa.

Xubnaha neefsiga oo qallalan iyo xanuunka la soo dersana waxaa ka dhasha madax xanuun, bukaannada qaarna waxaa lagu arkaa shuban.

Bukaannada qaar uu cudurka haleelayna waxay sheegeen inuu xanuunkan safmarka ah ee gabi ahaanba baab’iyo dareenka wax uriska oo ay kala garan karin wixi carfaya iyo wixi uraya.

Dadka qaarna waxaa lagu arkayaa astaan u eg tan hergebka oo sanka uu biya duuf uu ku yeesho, iyo inuu hindhiso ayaa ka mid ah astaamaha uu qofku isku arki karo, balse astaamaha ugu muhiimsan waxaa weeye Xumadda/Qandhada iyo Qufaca qallalan.

Daraasaadkuna waxay sheegayaan dadka qaar iyaga oo aan ogeyn iney cudurka la xanuunsan yihiin oo uu marki dambe soo rito.

4. Door noocee ayey carruurta ku leeyihiin faafinta cudurka?

Carruurta yaryar cudurkan wuu ku dhacaa. Hase yeeshee, marka dadka kale loo eego carruurta astaamaha cudurka ee lagu arko aad ayey u yar yihiin waxaa sida oo kale aad u yar iney cudurka u dhintaan.

Sababta ay carruurta door ugu leeyihiin faafinta cudurkan ayay khubarada caafimaadka ku sheegeen astaamaha cudurka oo an carruurta horay looga dareemin iyo carruurta oo dad badan la kulmo sidaana cudurka ku gudbin kara.

5. Faayrsaku asal ahaan halkuu ka yimid?

Faayraski bishi December 2019-ki ayuu ka soo billowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha gaar ahaanna suq ku yaalla magaaladaasi.

Faayrsaki hore ee SARS-COV-2 loo yaqaannayna waxaa horay loo ogaa inuu xiriir la leeyahay faayras inta badan ku dhaca fiidmeerta.

Sidaa darteed, qayaasta ayaa loo badinayaa cudurka inuu marki hore fiidmeerta ay xayawaan u gudbisay, xayawaankuna uu dadka u gudbiyey. Balse xaalku marka u halkaa marayo su’aasha adag ee aan jawaabta loo haynin ayaa waxay tahay waa kee xayawaanka faayraska isaga gudbiyey dadka iyo fiidmeerta?

Haddii aan su’aashaasi laga jawaabin oo aan la ogaanin xayawaanka cudurka ay dadku ka qaadeen, wey adkaaneysaa in si fudud faafitaanka cudurka lagu xakameeyo.

Sawir Coronavirus

6. Faayrsaka xilliga kuleylaha fafitaankiisu ma yaraanayaa?

Hergabkaba wuxuu dadka inta badan uu haleelaa xilliga qabowga balse weli ma jirto wax daraasad ah oo caddeyneyso faafitaanka cudurka iney hawada kulul yareyneyso.

Saaynisyahannada boqotooyada Britain xagga Saayniska kala taliya waxay ka digeen inaan la haynin faayrsaka faafitaankiisa iney cimilada qayb ka noqon karto sidaa darteed ay dadku aad u taxaddaraan.

Hase yeeshee, waxaa la sii saadaaliyey xilliga kuleylaha maadaamaa ay jiraan cudurra badan oo dadka haleela xilliga qaboobahana ay cudurradaasi ka sii dari karaan, taasoo sababi karta iney sariiraha isbitaallada ay ciriiri noqdaan.

7. Dadka qaar maxaa astaamo adag looga arkaa?

Covid-19 dadka qaar wuxuu u yahay cudur fudud, hase yeeshee 20% ayuu cudurka si aad ah u waxyeelleeyaa. Sababtu maxay tahay?

Sababta ugu horreysa waxay tahay awoodda difaaca jirka qofka uu cudurka ku dhaca iyada oo hidda sidaha qofkana ay ku xiran tahay awoodda iska difaacidda cudurrada.

Arrimaha sababi kara cudurka inuu si aad ah uu dadka qaar u soo rito oo la ogaado waxay gacan ka geysaneysaa iney dadku ku dadaalaan sidi awooddooda difaaca cudurrada kor ugu qaadi lahaayeen.

8. Cudurka muddo intee dhan ayuu qofka hayn karaa? Mar kalana qofka ma haleeli karaa?

Inkasta oo ay jirin daraasado si cad u qeexaya muddada qofka uu cudurka hayn karo haddana waxaa la isku waafaqsan yahay iney difaaca qofka sida uu yahay iyo caafimaadkiisa hore ay ku xiran tahay muddada uu Coronavirus hayn karo.

Waxaa sida oo kale adag dadka uu horay cudurka ugu soo dhacay ee ka bogsaday in la ogaado inuu markale ku dhici karo hasa yeeshee dadka dib looga baaro lagama helo.

9. Faayrsaka ma yahay mid dabeecad ahaan isbedbeddalaya?

Faayrasyada dabeecaddooda waxay tahay iney isbedbeddasho, Covid-19 kama duwano.

Waxaana jiro cilmibaadhisya hore oo sheegaya Faayraska marka uu mudda joogo iney yaraaneysaa halista uu qofka noolashiisa geli karo, balse taa dammaanad uma noqon karto faayrsakan Coronavirus.

Arrinta murugta ugu badan ku haysa saaynisyahannada ayaa waxay tahay faayrsakan haddii uu yahay mid dabeecad ahaan isbedbeddalayo iney adkaato in loo helo hal dawo ama tallaal oo cudurkaasi lagu xakameeyo.

bb

Ilaa iyo hadda Faayrsaka Corona ayaa si xawli ah ugu faafaya caalamka oo idil.

  • Ku dhawaad 600,000 oo qof ayuu cudurka ku haleelay dunida iyada oo ay cudurka u dhinteen dad ka badan 28,000 sida lagu xusay xogta ay baahisay jaamacadda John Hopkins.
  • Tirada dadka cudurka u dhimanaya oo ku sii badanaya dalka Spain ayaa gaaray 5,000 oo qof iyada oo 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keli ah ay Spain cudurka ugu dhinteen 832 qof taasoo dalkaasi ka dhigeyso dalka seddexaad ee ugu dhimashada badan ee ku xiga Talyaaniga.
  • Dalka Mareykanka ayaa noqday dalka laga helay dadki ugu badnaa ee qaba cudurka Coronavirus oo gaaray 104,000.
  • Koonfurta Kuuriyana waxay marki ugu horreysay shaacisay tiradi ugu badneed ee dadka ka bogsaday cudurkaasi ay gaartay 4,811, halka Sabtida maantana laga helay 146 kiis oo cusub oo tirada guud ee dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 9,478.
  • Ruushka iyo Ireland ayaa waxay ka mid noqdeen dalalka qaaday tallaabbooyin hor leh oo ay ku xakameeynayaan faafitaanka cudurka iyada oo faafitaanka cudurka dalalkaasi uu aad ugu yar ahay.
  • Dalka Britain waxaa baaritaan lagu sameeynayaa shaqaalaha NHS ee England.
  • Waxaa dunida sare uga kacay qiimaha qalabka Neefsiga loo adeegsado ama bukaannada cudurka uu haleelay lagu caawiyo.
  • Qiimaha halki Ventileter ee ahaa 27,000 oo dolar wuxuu hadda marayaa 96,000 oo doolar.
  • Dalka kenya waxaa laga helay 7 kiis oo cusub oo Coronavirusa, taasoo tirada dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 38 qof.
  • Xoghayaha guud ee midowga Afrika Musa Faki oo laga waayey faayraska Covid-19.
  • Dalka Zimbabwe oo laga billaaba Isniinta bandoow ku soo rogaya shacabka dalkaasi.
  • Soomaaliya oo ay u badbaadday 3 malyan oo doolar oo kaga bixi lahaa Qaadka tani iyo marka qadka loo joojiyey cabsi laga qabo inuu qayb ka noqdo faafitaanka cudurka Coronavirus.
  • source bbc somali

COMMENTS
Latest News