Hubsadnews.com
Daawo: Midoowga Yurub Oo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Gudoonsisey Abaal Marin Caalamiy ah
April 20, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Jabuuti (Hubsadnews):- Golaha Midowga Yurub ee dalxiiska iyo ganacsiga ayaa maanta u aqoonsaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelleh, hoggaamiyaha sanadkan ee dalxiiska, iyadoo lagu maamuusay doorka muhiimka ee ay sheegen inuu dalkiisa ka jiro dalxiiska caalamiga ah.

Abaalmarintan lagudoonsiyey madaxeynha ayaa la xidhiidhi midowga yurub oo caasimada koobad ee dalxiiska u aqoonsadey jabuuti caasimada caalamiga ah ee dalxiiska iyo dhaqanka ee sanadkan 2018

Talabadan Ayaa K dambeysay Kadib markii midoga yurub dhawaanahanba ku hawlanaa qiimeynta guud ahaan Goobaha dalxiiska ah ee la habeeyey ee dalka jabuuti bad iyo bariba islamrkaan aay soo arkeen sida looga shqeeyey goobahaasi oo dhan taas baana keentay in ismaacil cumar geele  la gudoonsiyo Aabaalmarinta caalamiga ah

Madaxweyne Ismaaciil Cumar oo xafladdii lagu gudoonsinayey abaal marinta ka hadlaya ayaa ku dheeraadey muhiimada ay leedahay Abaalmarintan maanta lagudoonsiiyey isagoona ku tilmaamey in aay tahay mid lagu  taariikhi ah.

COMMENTS
Latest News