Hubsadnews.com
Deg-deg: Wasiirki Hore ee madaxtooyada somaliland Maxamuud xaashi Cabdi oo eedaymo kulul u jeediyay Cabdiraxmaan cirro Heshiiskii Dekada Berbera-na Sheegay In Baarlamaanka Lagu Soo Celinaayo
April 21, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Hargeysa(Hubsadnews): Wasiirki Hore ee madaxtooyada somaliland Maxamuud xaashi Cabdi isla markaana iminka ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye  oo maanta wareysi gaar ah siinayey bulshotv ayaa waxaa uu ka jawaabey eedeymo uu dhawaan Gudoomiye Ciro u jeediyey Madaxweyinaha Somaliland Muuse Biixi iyo Madaxweynihii hore Axmed Siilanyo

Sidoo kale Maxamuud Xaashi ayaa waxaa uu cadeeyey in xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ay dhawaan golayaasha baarlamaanka Somaliland ay hor keeni doonto heshiiska dabta ah ee Dekada Berbera , maadama saamihiii ay hore u ansixiyeen wax iska bedeleen

COMMENTS
Latest News