Hubsadnews.com
waddooyinka Addis Ababa ee dalkaasi ethopia oo maanta la buufiyey
March 29, 2020 - Written by weryayaasha shabakada hubsad
Waddooyinka Addis Ababa oo la buufinaya
Image captionWaddooyinka Addis Ababa oo la buufinaya

Waddooyinka ugu waaweyn magaalada Assis Ababa ayaa maanta lagu buufiyey sunta disha waxyaabaha il ma aragtada ah uu faayrska ka mid yahay si looga hortago faafitaanka faayrsaka Covid-19.

Tallaabbadan oo uu maamulka magaalada Addis Ababa uu u qaaday ka qayb qaadashada dadaallada lagu xakameyn faafitaanka cudurka Coronavirus ee soo gaaray dalka Itoobiya.

Muddo saacadaha ah maanta gelinki hore waxaa xirnaa dhammaan waddooyinka waaweyn ee caasimadda dalka Itoobiya.

Itoobiya waxaa maanta laga helay 3 kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus, dadka cudurka laga helayna ay yihiin dhammaantood Itoobiyaan laba ka mid ahna ay yihiin xubno hal qoys ka wada tirsan.

Wasaaradda caafimaadka dalkaasi waxay sheegtay tirada dadka laga helay cudurka iney gaartay 19.

Ilaa iyo haddana cudurka waxaa ka bogsaday hal qof laba qof oo u dhalatay dalka Japan dalkooda ayey dib ugu laabteen.

Waddooyinka Addis Ababa oo la buufinaya

Duqa magaalada Addis Ababa Injiner Taakale Uma wuxuu sheegay buufitaantan ka hortagga cudurka ka hor waxaa loogol leeyahay in shacabka magaalada ku nool la dareensiiyo halista uu leeyahay cudurkan samfarka ah ee Coronavirus.

COMMENTS
Latest News