Hubsadnews.com
War Dedgeg Ah: Boqor Buur Madaw Oo Ciidamada Ammaanku Hadda Kala Baxeen Huteel Hargeysa Kuyaalla!
April 19, 2018 - Written by weryayaasha shabakada hubsad

Hargeysa, April 19 2018- (Hubsadnews.com)- Ciidamada Ammaanka Somaliland oo laba gaadhi ku hubaysnaa ayaa mar dhaw Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa ka qabtay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland.
Wariye ka tirsan wargeyska Foore oo hadda u sugan Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa ayaa noo xaqiijiyey in Boqor Buur Madaw ciidamo Ammaanka ka tirsani imika ka kaxeeyaan Huteelka kuna qaadeen gaadiidkii ay wateen loona malaynayo in ay xabsiga u taxaabeen.
Lama Oga sababta Ciidamada Ammaanku Boqor Buur Madaw Huteelka ugaal baxeen waxaase loo malaynayaa in xaaladdiisu daba socoto hadalkii uu toddobaadkan ka jeediyey Deegaanka Carmo ee Puntland oo uu kaga qayb galayay xafladda Caleemo saarka Madax dhaqameed reer Puntland ah.

Goor dhow Filo faahfaahinta warka xadhiga Boqorka

COMMENTS
Latest News